Welcome To Jubba Land Media Network

Qisadii Jacayl Ee Cilmi Boodhari Wararka Ugu Waawayn Soomaaliya Wararka Jubbooyinka Sheekooyin Jacayl Ku Soo Dhawoow Bogga Jubbaland

Dibadbax xoogan oo maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Kumaan dadweynaha reer kismaayo ayaa maanta isu soo baxayo iyagoo sitay boorar ay ku qoranyihiin halkudhigyo ay kaga soo horjeedaan ciidamada ay dowlad goboleedka IGAD sheegtay in ay keeni doonto wadanka soomaaliya kuwaa oo gaaraya ilaa 20,000 oo askari.

Banaanbaxan oo ahaa mid aad u balaaran ayaa waxa ay dadweeynaha reer kismaayo isugu soo xoomeen fagaaraha weyn ee beerta xoriyadda ee bartamahamagaalada kismaayo halkaas oo ay ku sugnaayeen masuul sar sare oo katirsan wilaayada islaamiga ah ee gobollada jubooyinka.

Masuuliyiintii goobtaasi isugu timid ayaa waxa kamid ahaa Sheekh Abuukar Cali Aadan waaliga xarakada alshabaab ee gobollada jubooyinka, Sheekh Xasan Yacquub cali gudoomiyaha degmada kismaayo iyo masuuliyiin kale oo badan waxaa sidoo kale goobta ku sugnaa odoyaal dhameedyo, culumaa'udiin iyo waxgarad ka kala yimid xaafadaha magaalada kismaayo iyo deegaanada ku dhow dhow degmada.

Dhamaan madaxdii halkaasi ka hadashay ayaa waxa ay si isku mid shacabka reer kismaayo ugu booriyeen in ay ka hortagaan ciidamada la sheegay in keeni doono dalka soomaaliya iyagoo sidoo kale ka codsaday haweenka iyo ganacsatada in ay taageero hiil iyo hoo ahba la garab istaagaan xarakada alshabaab.

Waa banaanbixii ugu weynaa ee ka dhaca magaalada kismaayo tan iyo inti xarakada alshabaab ay si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta magaalada kismaayo waxaana banaanbaxyo ceynkan oo kale ah ay ka dhaceen dhamaan degmooyinka iyo deegaanada ay gacanta ku heyso xarakada Alshabaab. 

  

 

ONLF oo ka digtay qatarro ku soo wajahan dhulka Somalida Ethiopia 

Mogadishu 24, July 07 ( Jubbaland .  M.Network) Jabhadda ONLF ee degaanka ismaamulka somalida Ethiopia ayaa ka digtay qatarta ka imaan karta cabsi galinta lagu haayo dadka ogadeen ku dhaqan ee gobolka ismaamulka Ethiopia

Jabhadda mucaaradka ONLF ee deegaanka somalida dalka Ethiopia ayaa ka digtay qatarta ka imaan karta musiibo uu qof sababo oo ka dhacda dhulalka dalka Ethiopia ee ku yaala xadka dalka Somalia ,waxaana ay ugu baaqeen Qaramada Midoobay in ay baaritaan ku sameeyso eedeeymaha loo jeediyay dowlada Ethiopia oo ah in ay is hortaagtay raashiin gargaar ah oo loo waday gobolka somalidu ay dagto

Jabhada ONLF waxaa ay sheegtay in hadii beesha caalamku aanay si deg deg ah u fara galin musiibada bini aadanimo ee ka jirta dhulka Ogaden,in ay dhici doonto musiibo qatar ah iyo baahi uu sababo maamulka haatan ka arimiya dalkaasi ee Meles Zenawi sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay ONLFt

Maalintii Axada Jariirada, New York Times ayaa qortay iyadoo soo xiganeeyso diblomaasiyiin reer galbeed ah in dowlada Ethiopia ay is hotaag ku sameeysay raashiin gargaar dagdag ah oo ku socday deegaanada somalida.

Jabhadu waxa ay ugu baaqeeysaa Jimciyada Qurumaha ka dhaxeeyso in ay gobolkaasi u soo dirto gudi xaqiiqo raadin ah oo baaritaan ku sameeyo xadgudubyada bini aadanimo ee ka jiro gobolkaasi hase ahaatee dowlada Ethiopia ayaan durbadiiba ka faaliin hadalka ka soo yeeray ONLF.

Maalintii isniinta ee shalay ONLF waxaa ay sheegtay in maamulka ra,iisulwasaare Meles Zenawi uu wado olole ula kaca ah oo lagu dhibaateeynaayo dadka ku dhaqan deegaanada ismaamulka somalida ee ethiopia.

"danbiyadan dagaal waxaa ku jira in la hor istaago kaalmada noo socota inaga iyadoo ciidamada dowladuna ay gubayaan tuulooyinka,xarigyo dilal iyo jirdil iyo sidoo kale in la hor istago alaabaha ganacsiga ah iyo waliba nuuc kasto oo cinqaab ah" sidaasina waxaa lagu sheegay bayaanka ONLF.

Jabhada ONLF qudheeda ayaa lagu eedeeyay falal waxuushimo ah oo ay ku jiraan weerarkii bishii April lagu qaaday goob shidaal laga baarayay halkaasi oo lagu dilay 74,qof oo ay ku jireen 7 shiineeys ah

Xasan Nuur Max'ed 

Jubbaland. Media Network Somalia

 Gudoomiyaha Gobalka Jubada Hoose, duqii degmada Kismaayo iyo saraakiil Milateri oo gaaray degmada Diinsoor

Kismayo, Somalia  Jubbaland M. Network Date: 13/07/07 - Gudoomiyaha gobalka Jubada Hoose Ilyaas Badal Gaboose, Duqii degmada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf, iyo Taliyaasha ciidamada dawlada Soomaaliya ayaa xalay gaaray degmada Diinsoor.

Masuuliyiintan iskugu jira Maamulka gobalka iyo kan degmada Kismaayo ayaa waxaa la sheegay in ay 24 saac ee lasoo dhaafay ku sugnaayeen degmada Bu'aale ayadoo la sheegay in ay arintan ka danbaysay markii ay amar ka heleen Madax ka tirsan dawlada Soomaaliya.

Masuul ka tirsan maamulka gobalka Jubada dhexe oo magaciisa ku sheegay G/sare Ducaale Ganaane ayaa wuxuu sheegay in xubnahaasi ay xalay ka baxeen gudaha Magaalada Bu'aale, ayagoo uu sheegay in ay sidoo kale xubnahan ka mid ahaayeen Aaden Max'ed Ibraahim (Aden Koojaar) oo ah abaan duulaha ciidamada dawlada Soomaaliya ee Jubooyinka iyo saraakiil kale.

G/Sare Ducaale ayaa intaas raacinaya in ay masuuliyiintan ay haatan halkaasi u tageen sidii wada hadal ay ula yeelan lahaayeen xubno ka mid ah dawlada Soomaaliya, ayagoo laga yaabo in masuuliyiintan ay gaaraan Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Masuuliyiintan ayaa waxa ay ahaayeen kuwii Magaalada Kismaayo ay kala wareegeen Maleeshiyada haatan gacanta ku haysa magaalada Kismaayo, ayagoo dhawaana dagaalo qaraar kula galay duleedyada Magaalada Kismaayo.



Abshir Dahir Abdi - Kismayo-Somalia

Jubbaland News Media Network

Ra'isul wasaare Geedi oo isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada

Kismayo 18, April.07 ( Jubba.M.Network) Ra'isulwasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia, ayaa maanta isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada dowladda KMG ah, iyadoo qaar ka mid ah wasiiradana ay shaqadoodii waayeen.

Wareegto maanta ka soo baxday xafiiska Ra'isulwasaare Cali Max'ed Ghedi ayaa lagu sheegay in isku shaandeyn lagu sameeyay wasiirada soo socoda.

1. Prof. Ismaciil Hurre Buubaa oo horey u ahaa wasiirka arimaha dibadda ee Iskaashiga caalamiga ayaa xilkaasi laga qaaday, iyadoo loo magacaabay wasiirka waxbarashada.
2. Xuseen Ceelaabe Faahiye oo horey u ahaa wasiirka qorsheynta iyo tiro koobka ayaa xilkaasi laga wareejiyay, iyadoo loo badalay wasaaradda arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga.
3. C/raxmaan Cabdi Waare oo ahaa wasiirka waxbarashada ayaa gabi ahaanba shaqadii laga eryay ka dib markii lagu eedeeyay in uu u hogaansami waayay amarro ka soo baxay dowladda.

4. Cali C/laahi Cosoble ayaa loo magacaabay xilka wasiirka qorsheynta iyo tiro koobka.

Wareegtadaan uu soo saaray Ra'isulwasaare Geedi ayaa waxaa ku soo biirey golaha wasiirada Cali Cabdulaahi Cosoble.

K/simaha Afhayeenka Ra'isulwasaaraha C/laahi Codka ayaa sheegay in wareegtadaan ka hor inta aaneey soo bixin uu Ra'isulwasaaraha u gudbiyay Madaxweynaha, uuna aqbalay.

Isku shaandheyntaan ayaa ku soo beegmeysa xilli golaha wasiirada ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho kulan albaabada u laaban yihiin oo aan la ogeyn waxa ay kaga wada hadlayaan, xilli dagaalo qaraar oo u dhaxeeya ciidamada Ethiopia iyo xoogagga wax iska caabinta Somalia ay xalay ka dhaceen caasimadda.

Max'ed Haashi

Jubba-Media Network J/hoose
E-mail us: xasannuur@gmail.com

 

Dagaalka Muqdisho Waa Fursad Qaali u ah Ummadda Soomaaliyeed

In ku Dhaw 17 sano ayaan isu laynaynay qabiil iyo qabyaalad sababytay baaba' aad u wayn oo naf iyo maalma leh, waxaa kale oo burburay adeegyadii bulshada (puplic infrastructures), waxaa dibadda loo iibgeeyay qalabkii warshadihii qaranku lahaa iyo waliba taallooyinkii astaanta u ahaa halgankii umadda soomaaliyeed ay la gashay gumaystayaashii dalkooda xoogga ku qabsaday.

Wuxuu sababay dagaalka sokeeye in ay umadda soomaliyeed dacallada adduunyada qaxooti isaga dhiibaan, lama soo koobi karo dhibaatada iyo dhaawaca xanuunka badan ee gaaray umadda. soomaalida qudheeda ayaa la isticmaalay ayaga oo loo marayo qabiil iyo qabqable (clan and warlord) isku dira cadaawadna dhaxdhiga, taas oo noqotay arrin mira dhasha (practical project) haddaba su'aasha iswaydiinta leh waxay tahay ciddee iska leh eedda? ma soomaalida ayaa leh, mise waddamada aan ogolayn midnimada iyo sharafta soomaalida sida Ithoobiya? waxaa laga yaabaa in in badan ay aaminsantahay in eedda ay leeyihiin waddamo shisheeye laakiin haddii ay waddamadaasi rabaan in ay soomaaliya nabad ka dhalan, aaway rabitaankii soomaalida? Anigu haddaan ka hadlo aragtidayda waxaa eeda arinta iska leh soomaalida lafteeda, waayo ayaga ayaa u adeegay cadawgooda una sahlay heerka ay maanta wax marayaan

Iftiinkii La Bakhtiiyay

Maxaakiimta Islaamiga waxay ahaayeen iftiin u soo baxay umadda soomaaliyeed oo aan hore loo arag. Xaggay ku dambeeyeen? waxaan oron karaa soomaalida ayaa burburisay ee ma burburin xabashi. Maxaa ka dambeeyay? waxaa ka dambeeyay dalkii oo gabi ahaanba u gacan galay Ithoobiya oo ah cadawga qaddiimka ah ee aan leenahay, Maxaa inala habboon in aan samayno?

Haddaan aniga iyo walaalkay shalay isu dilaynay qabiil iyo qabyaalad oo aan ognahay waxa ay diinteennu ka qabto, maxaan maanta ku diidaynaa in aan galno dagaal ku dhisan Diin, Mabda' iyo Waddaninimo intaba kaas oo sabab u noqon kara arimahan soo socda

- Gudashada waajibka Jahaadka

- Midnimada soomaalida

- Xoraynta dalka hooyo

Gabagabadii xalku waa dagaal, si aan mar labaad uga xorowna gumaysiga iyo gaboodfalka

- Xawo iyo nin dhiig lihi ka gubay Xaalka maanta ahe

- Xilli weeye taariikhdu ay xiisa leedahaye

- Xabbad baa dhacaysiyo dagaal Xoog lahoo adage


- Xaqa iyo ninkii baadil wada way Xisaabtamiye


- Xaliimkaa la jira geesigii Xumaha diidaaye

- Xaaraamigiyo Tuuggtu waa Xidid baxoodiiye


- Nimankaa inay wax u xillayn Xabashi moodaaya

- Xigto iyo tolbaan nahay kuwaa ugu Xadraynaaya

- Xorod iyo wadkii dilahayay Xera u ooteene

- Waa dad aan Xasaasaha jiriyo Xeerarka ogayne


- Xayawaannadaa naga dhashee aan Xil garanaynin

- Xogba kama hayaan raacdaday u Xusulduubeene

- Sharafkiyo Xornimadeenni bay Xagalwareemeene


- Xabadlaawayaashaa inkiray Xadadka ciiddooda

- Xays aan da'ayn iyo riyay Xanan u jiidheene

- Xisku uma shaqayn iyo indhihii Xaadirka ahaaye


- Xasad iyo Xaqiir oo dhan baa laysu soo xulaye

- Waa xaaba qaadyiyo Iblays Xayle soo diraye

- Xannaan iyo Mannaanoow Sharkood naga Xijaab qoonka




Axmed Aadan
E-Mail: xul06@hotmail.com

 

 

 

Webmaster:

xasannuur@gmail.com

 

Nasdaq Stock Market Information
Largest collection of free MP3s to play or download, free MP3 software
BabyCenter Store--content and quality products--You name it, we have it.

Halkaan ka Daawo Sawirro Arts ah oo Ku saabsan Siyaasadda Soomaaliya

18 qof oo ku dhimatay duqeyn ba'an oo Ciidamada Itoobiyaanka ay u geysteen xaafado ku yaalla Muqdisho

April 19, 2007 Jubbaland News


Ugu yaraan 18 qof oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen duqeyn ba'an oo wali Ciidamada dawladda Itoobiya ay ka wadaan xaafadao kamid ah magaalada Muqdisho,iyadoo xaafadaha Juungal iyo Carafaat ay ahayeen kuwii ugu ba'anaa ee lagu qaado xaafadahaasi.

Xaafada Carafaat ee degmada Yaaqshid ayaa la sheegay in kusoo dhaceen in kabadan 25 Madfac oo BM ah kuwaasi oo intooda badan laga soo gamayay dhanka Madaxtooyada oo maanta madaafiic fara badan ay kasoo gamayeen Ciidamada Itoobiyaanka.

Mid kamid ah dadka Xaafadda Carafaat ayaa sheegay in 8 qof ay ku dhinteen madfac ku habsaday bar ay taagnaayeen xilli ay sugayeen gaari ay ku barakici lahaayeen iyagoona kasoo tagay xaafadaha dagaalada maanta ay saameynta ba'an ku yeesheen.

Sidoo kale xaafadda Juungal ayaa iyaduna waxa kusoo dhacay madaafiic tiro badan iyadoo la xaqiijiyay in ay ku dhinteen ugu yaraan 4 qof oo rayid ah kuwaasi oo la sheegay in ay qaarkood ahaayeen kuwii ku haray guryihi xaafadaasi oo hore looga qaxay.

Waxaa sidoo kale Madaafiicdii maanta ay ku habsadeen xaafadaha Towfiiq iyo Waxar Cadde iyadoona lasoo sheegayo in halkaasina khasaare uu kasoo gaaray dad rayid ah,inkastoo aan tiradooda si rasmi ah lo xaqiijin karin.




Max'ed Guhaad
Xafiiska Jubbaland news ee Muqdisho

One of the most visited hubs on the Internet, reaching one out of every two Web users.
With over half a million sites, divided into more than 25,000 categories, Yahoo! is both browseable and searchable.
GO Network is a new brand that brings together the very best of the Internet in one, easy-to-use place.
Have Fun!